Uncategorized

Ciidamo ka tirsan Dowladda oo lagu dilay Weerar ka dhacay Gobolka Sh/dhexe

Haanta-sheekh–KNN– Wararka ka imaanaya Degaanka Haanta-sheekh oo u dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Jowhar Ee Gobolka Shabellaha dhexe  ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda lagu Weeraray halkaas,kadib markii ay Jidka u galeen Al-shabaab Ciidamo ka tirsan Dowladda oo saarnaa gaari Cabdi Bile ah.

Illaa 2 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay in lagu dilay Weerarka ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar,iyadoo ay ku dhaawacmeen illaa Afar Askari.

Wadada isku Xirta Degmooyinka Balcad iyo Jowhar Ee Gobolka Shabellaha Dhexe Dhowr Jeer waxaa ka dhacay Weeraro isugu jira Qaraxyo iyo mid toos ah oo Shabaabku ay geysteen.