Muqdisho–KNN– Koox Hubeysan oo Wadatay Gaari Nuuca Raaxada ah ayaa Xalay Rasaas ku Furay Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka oo Fariisin ku lahaa xaafadda Xamar-jadiid ee Degmada Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in Rasaasta ay Fureen Dableyda Gaariga wadatay ay Dishay Hal Askari mid kalena dhaawacday sida ay KNN u sheegeen Dad Goobjoogeyaal ah.
Kooxdii Hubeysneyd ee Tacshiiradda ku furay Ciidamada Ammaanka ayaa Goobta ka baxsaday,waxaana Halkaas Ciidamada Ammaanka ay ka sameeyeen Baaritaano Xoog leh,inkastoo aysan Cidna u soo qaban.
Dhowr Jeer ayaa Kooxo Hubeysan waxaa ay Weeraro ku qaadeen Fariisimo Ciidamada Ammaanka ay ku leeyihiin Degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana Weeraradaas ka dhashay Dhimasho iyo Dhaawac intaba.