Somali News

Ciidamo ka tirsan Gorgor iyo Haramcad oo lagu Daabulay Beledweyne.

Muqdisho-KNN-Warrarka laga helayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in saaka dhawr diyaaradood oo siday ciidamada Gorgor ee Milatariga Soomaaliya, iyo ciidanka gaarka ah ee Booliska ee loo yaqaano Haramcad ay ka dageen garoonka diyaaradaha ee Beledweyne sida ay BBC-da u sheegeen illo dhinaca amniga ah.

Ciidankan ayaa saaka laga qaaday magaalada Muqdisho.

Beledweyne waxa shalay ka dhacay kacdoon hubeysan, kadib marki miliishiyo hubeysan oo ka soo horjeeda tagista magaaladaasi ee madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, ay qabsadeen qaar ka mid ah xaafadaha magaalada iyo wadooyinka muhiimka ah.

Lama oga sababta ciidamada dheeraadka ah ay dawladda federaalku saaka u geysay Beledweyne, waxaase arintaasi ka digay golaha kacdoonka gobolka Hiiraan.