Somali News

Ciidamo ka tirsan Kenya oo qarax lala beegsaday

Muqdisho-KNN-Ciidamo  ka tirsan Dowladda Kenya ayaa waxaa qarax lagula eegtay deegaanka Haluuqa ee gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay  ayaa waxaa lala eegtay gaari ay la socdeen kolonyo katirsan ciidanka Kenya, kuwaasi oo ku safrayay inta u dhaxaysa deegaannada Haluuqa iyo Galmagala ee gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in khasaaro uu ka dhashay qaraxa, inkasta oo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay khasaare kala duwan gaarsiiyeen ciidamadaasi Kenya ee ay qaraxa la beegsadeeen .