Uncategorized

Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya iyo NISA oo ku dagaalamay Isgoyska Tarabuunka.

Muqdisho-KNN-Isku dhacyo u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa goor-dhaw ka dhacay Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare dhaawacyo ah.

Ciidamada Dagaalamay ayaa ka kala tirsan Kumaandooska Soomaaliya ee ka tirsan milatariga iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 7 qof oo isugu jira Ciidamadii dagaalamay iyo Shacab ka agdhawaa.

Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay in ay jiraan isku dhacyada Ciidamada waxayna cadeeyeen in uu ka dhacay Inta u dhaxeysa Tarabuunka iyo Isgoyska Warshadda Caanaha ee magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda lama shaacin dhimasho ka dhashay Isku dhacyada, goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkayn hal qof oo dhintay balse KNN ma xaqiijin karto wararka dhimashada.

La soco wixii warar ah ee ku soo kordha.