Uncategorized

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo dhaq dhaqaaq ciidan kawada Shabeelaha Dhexe.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha dhexe ee maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in ciidamada Milatiriga Soomaaliya ee ku sugan magaalada Mahadaay halkaasi oo ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaq ciidan oo qorshuhu yahay in Al-Shabaab looga Saaro degaano ka tirsan Gobalkaasi.

Dagaalamayaal badan oo ka tirsan Shabaab ayaa waxay gudaha u galeen Degaanka Warciise, iyadoona halkaasi markii ay tageen shacabka ku nool degaaankaasi ay kala hadleen sidii ay ula shaqeyn lahaayeen.

Shabaab ayaa odayaasha waxaa ay ku wargeliyeen in ay degi doonaan tuulooyin badan oo hoostaga deegaanka Biyo Cadde Ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee ku Sugan Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in ay Al-Shabaab ka saari doonaan degaanka Warciise iyo tuulooyinka kale ee hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelaha dhexe.

Axmed Cali taakow oo ka mid ah saraakiisha Ciidanka ee sugan degaanka Biyo cadde ee gobalka Shabeelaha dhexe oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Al-Shabaab degaanka warciise ay tageen, isagoona sheegay in taasi ay dhibaato ku tahay shacabka ku dhaqan degaankaasi.

Shabaabkii shalay gudaha u galay Deegaanka Warciise ayaa waxaa la Sheegay in ay dib ugu laabteen Deegaankaasi, Waxaa ayna aadeen Dhanka iyo Cali Fooldheere ee gobalka Shabeelaha Dhexe.

Shacabka ku nool Degaanka Warciise iyo tuulooyinka kale ee hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa xiligan Waxaa soo wajahday Cabsi aad u fara badan,kadib markii Shabaab iyo Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgalo ka bilaabeen Degaanka Warciise ee Gobalka Shabeelaha dhexe.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan militiriga Soomaaliya la geeyay deegaano hoostaga Degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelaha dhexe, iyadoona ay xusid mudan tahay in howlgalo ay ciidamada Xoogga ay ka wadaan Degaano ka tirsan gobalka Shabeelaha dhexe.