Uncategorized

Ciidamo ka tirsan Puntland oo lagu Weeraray Magaalada Boosaaso Ee Gobolka Bari

Boosaaso–KNN– Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso Ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Weerar lagu qaaday Bar-koontorool oo Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Magaalada Boosaaso Ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Weerarka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland islamarkaana ay ku dhaawacmeen illaa 10 kale.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Koox Hubeysan ay Weerar ku soo qaadeen Kontorool ay joogeen Ciidamada Puntland,waxaana halkaas ka dhacay Dagaal Mudo Saacado ah qaatay.

Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari ayaa Dhowr jeer waxaa Weeraro ka geystay Al-shabaab iyo Daacish,balse weli ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Weerarka Xalay lagu qaaday Ciidamada Puntland.