Somali News

Ciidamo ka tirsan Puntland oo maanta ka soo baxay fariisin ay ku lahaayeen Tukeraq.

Garoowe-KNN-Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta soo baneeyay saldhigyo muhiim ah oo ku yaala Aaga difaaca ah ee deegaanka Tukaraq kuwaas oo cutubyo ka tirsan oo ku hubeysan noocyadda kala duwan ee gadiidka dagaalka  usoo ruqaansadey saldhigyo ciidan oo ku yaala duleedka magaalada Garoowe.

Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka ayaa ka cabanaya xuquuq iyo mushahaar la,aan lasoo daristey saddexdii bilood ee u dambeysay.

Waxayna intaas ku dareen mudooyinkii u dambeeyay Ciidanka Puntland inuu si tartiib tartiib ah uga sii yaraanayo Aagaga dagaalka ee ay isku horfadhiyaan Somaliland.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidanka Maamulka Puntland.