Somali News

Ciidamo ka tirsan Puntland oo xoog kula wareegay xarun wasaaradeed

Boosaaso-KNN-Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa saakay oo Axad ah xoog kula wareegay xarunta wasaaradda kalluumeysiga Puntland ay ku leedahay magaalada Boosaaso.

Ciidamadan ayaa ka gadoodsan xuquuq la’aan ay sheegeen inay heysatay mudooyinkii dambe.

Ciidamada ayaa isku gedaamay xarunta wasaaradda, waxayna diideen in lasoo galo ama laga baxo xarunta, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda kalluumeysiga Puntland.

Askari ka tirsan ciidanka gadoodsan ayaa warbaahinta u sheegay inay ka gadoodsan yihiin xaquuq loo balanqaaday, mar loo diray howlgal la xiriira la dagaallanka maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Puntland.

Sida aan ku heleyno wararkii u dambeeyay waxaa xarunta wasaaradda ku go’doonsan mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas.

Ciidamada ayaa gabi ahaanba diidan inay mas’uuliyiintaasi ay ka baxaan xarunta, sidoo kale shaqaalaha wasaaradda intoodii ka maqneyd xarunta ayey ciidamadu u diideen inay gudaha u galaan.