Somali News

Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya oo sheegay in ay ka soo baxayaan Baraawe

Baraawe-KNN-Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay ka soo baxayaan furumaha dagaalka ee degmada Baraawe kadib markii ay sheegayn in ay waayeen Xaquuqdii ay ku lahaayeen DF-ka Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo 4 bil ah, Garaaam iyo Gunno la’aan sida ay sheegayn waxayna ku hanjabeyn in ay ka soo bixi doonaan agga dagaalka iyo guud ahaan degmada hadii aan 72 saac lagu bixin Xaquuqda kamaqan sida ay hadalka u dhigayn.

Inta badan ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Milateriga ayaa ka cabanaya daryeel la’aan waxayna qaarkood ka soo baxayn goobihii ay kaga sugnaayeen Gobalada Shabeelooyinka.

Ciidamada cabanaya ayaa ku kala sugan Gobalada kala ah Hiiraan, Bay, Bakool, Gedo, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, DF-ka Soomaaliya ayaa wali ku adkaysanaysa in ay bixisay Mushaarka ciidamada laakiin waxaa isa soo taraya qayla dhaanta Ciidamada Soomaaliya.