Uncategorized

Ciidamo kawada tirsan Xasilinta caasimada ah oo maanta ku dagaalamay isgooska Sanca ee Muqdisho.

Muqdisho-KNN_Wararka naga soo gaaraya isgooska sanca ee dhanka degmada yaaqshiid ayaa maanta waxaa dagaal culus uu ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan kuwa Xasilinta Caasimada Muqdisho,waxaa lagu soo waramayaa in kharaaso uu ka dhashay dagaalkaasi.

Inta la xaqiijiyay in labo askari oo ka tirsan kuwa dagaalamayay ayaa ku dhinta,inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah.

Goobjooge ku sugnaa goobta ay ku dagaalameen ciidamada kawada tirsan Dowlada federaalka Soomaaliya oo la hadlay idaacadda kulmiye ayaa u sheegay in mudo saacado ah ay dagaalamyeen labada ciidan ee kawada tirsan xasilinta caasimada muqdisho.

Waxaana la sheegay in labada qori laga qaatay labada askari ee ku dhintay dagaalka u dhexeeyay ciidamada Xasilinta caasimada ee Muqdisho.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay in labadan ciidan ay ku dagaalamaan isgooska sanca ee magaalada muqdisho.

Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa uu dagaal ku dhexmaraa ciidamo kawada tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya,iyadoona khasaaraha ugu badan uu soo gaaro dadka Shacabka ah.