Somali News

Ciidamo ku dhintay Qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 3 Askari oo Milateri ah ayaa ku dhintay tiro kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii gaari ay saarnaayeen uu haleelay qarax miino oo dhulka la geliyay.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow isgoyska Ex control Afgooye ee magaalada Muqdisho,waxaana la sheegaya in qaraxa kadib ay Ciidamada ridayn rasaas badan sida ay soo sheegayn dadka degaanka.

Ciidamada dhaawacyada soo gaaray oo gaaraya ilaa 3 Askari ayaa la sheegay in mid kamid ah uu dhaawaciisa culus-yahay sida ay sheegayn Askar kale oo gaariga saarneed.