Muqdisho–KNN– Ciidamo la sheegay in ay ka wada tirsan yihiin Dowladda ayaa Maanta ku Dagaalamay inta u dhaxeysa Ex-Koontorool Afgooye iyo Xaruntii hore ee Ciidamada Asluubta ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu Salka ku hayay Dhul ku yaalla Aagaas oo Dhinacyada Dagaalamay ay isku qabsadeen.
Illaa 2 Qof oo Shacab ah ayaa la Xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Dagaalka maanta ka dhacay inta u dhexeysa Asluubta iyo Ex.koontorool.
Dhowr Jeer ayaa Ciidamada Dowladdu ay iskula dhaceen gudaha Magaalada,waxaana isku dhacyada dhexmara Ciidamada Dowladda ka dhashay Khasaaro kala duwan.