Somali News

Ciidamo loo diiday in ay gudaha u galaan Dhuusamareeb:-Sawirro.

Dhuusamareeb-KNN-Ciidamo ka baxay magaalada Gaalkacyo kuna wajahnaa magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu celiyay deegaan lagu magacaabo Cara-tuurka oo hoostaga deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada oo wata gaadiid dagaal oo gaaraya Todoba Gaari ayaa la sheegay in ay doonayeen iney gudaha u galaan magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay kasoo wadi rabeen Maxadweyne Xaaf, balse waxaa diiday in ciidamadaas ay galaan gudaha Dhuusamareeb Saraakiisha Galmudug ee Dhuusamareeb kusugan.

Dad ku sugan deegaanka Mareergur ayaa KNN u sheegay in ay arkayeen Ciidamo ka tegay Dhuusamareeb oo kusii jeeda dhanka deegaanka Godinlabe oo ciidamadii Gaalkacyo ka tagay ay ku suganyihiin.

Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in uu saakay isku dayey in uu ka baxo magaalada Dhuusamareeb, isagoo doonayey inuu safar dhulkaa ku galo Gaalkacyo, balse waxaa la sheegay in arinkaas ay ka diideen madaxda kale Galmudug, sida madaxa Xukuumadda iyo Guddoomiyaha guud ee Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan.

Madaxda Galmudug ayaa la sheegay in ay ku kala qeybsantay arinta ay dabada ka riixeyso dowladda dhexe ee ah xiliga la qabanayo doorashada maamulka Galmudug, waxeyna warar soo baxaya sheegayaan in Madaxweyne Xaaf looga awood batay go’aaminta waqtiga doorashada maamulkaas.