Uncategorized

Ciidamo loo qorsheeyay in ay sugaan amaanka G.Waqoy bari oo amaro la dul dhigay.

Muqdisho-KNN-Wasirka amniga ee dalka Kenya Mr Fred Matiangi  iyo saraakiil ciidan ayaa waxaaay tageen  magaalada wajeer ee gobolka waqooyi bari Kenya waxana halkaasi ay kaga hadleen sidii loo adkeyn  laha amaanka deegaanada gobolka Waaqoy Bari Kenya oo mudooyinkii danmbe ay ka dhaceen weeraro dad badan ay ku dhinteen oo ay geysanayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Wasiirka oo saraakiisha ammaanka kula hadlay Gobolka ayaa ku amray in ay gacan bir ah ku qabtaan sugidda amniga, cidii shaqada dayacdana lala tiigsan doono Maxkamad oo ay la kulmi doonto ciqaab.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in tababar loo soo xiray qaar ka tirsan dadka ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari, kuwaasi oo Askarnimo loo tababaray si ay ula dagaalamaan Shabaabka weerarada ka geysta Gobolka.

Macalimiinta wax kabara iskuulada ku yaala wajeer aya dhankooda walac ka muujiyay xaladooda amaan waxana ay sheegeen in aysan shaqeyn Karin ilaa hub ay isku difaacan laga siiyo.

Aadan bare ducaale oo ah xildhiban ka tirsan barlamanka Kenya laga soo doortay gobolka waqooyi bari ayaa shegay in aysan macquul ahayn in macalimiinta codsanaya in laga warejiyo wajeer loona aqbalo codsigooda waxase uu sheegay in ay tahay in la adkeyo amanka shaqada ay halkaas kasii wadaan , waxaase arinkas xildhiban uu sheegay ka soo horjeestay sarakiisha amanka Kenya qaarkood.

Sikastaba gobolka waqooyi bari ayaa waxa dhowr jeer ka dhacay weeraro ay Al-shabaab ka geysteebn kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo ay kamid yihiin Askar,   arday  iyo macalimiin.