Somali News

Ciidamo maanta la wareegay Xarunta Dowlada Hoose Ee Boorama.

Muqdisho-KNN- Wararka ka imaanaya  magaalada Boorama ee Caasimada gobolka Awdal ayaa sheegaya in  ciidamo ay maanta la wareegeen  in xarunta dawlada  Hoose ee Boorama.

Ciidamada  la wareegay dawlada hoose ayaa  la sheegay in ay amar ka haystaan wasaarada arimaha gudaha Somaliland.

Waxaa la tilmaamay in xaunta dowlada Hoose ee Boorama aan maanta wax shaqo ah ka soconin, islamarkaana uu ku sugan yahay  hanti dhawraha qaranka Soomaaliland.

Ilo wareedyo ayaa Sheegaya in Gudoomiye Golaha Deegaanka Booramo la filayo in xilka laga qaaday, iyadoona hanta dhowrka uu baaritaano ku sameyn doono.

Weli Wax war ah kama Soo  bixin Xukuumada Soomaaliland , kaasi oo ku aadan sababta keentay in maanta ay ciidamo la wareegaan Xarunta dowlada Hoose ee Boorama.