Somali News

Ciidamo Milatari ah oo isku hor fadhiya deegaanka Ceel-Cade ee Shabeelaha dhexe.

Ceel-cade-KNN-Wararka ka imaanaya deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa soo sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ay isku hor fadhiyaan Bar-Kontarool oo ku taala deegaankaasi oo aheyd meel lagu qaado Lacagta Canshuurta Gaadiidka ee HirShabeelle.

Xiisadaan ayaa la sheegay iney timid kadib markii Ciidamo milatari ah ay Shalay galab qabsadeen Xarunta Canshuuraha HirShabeelle ee deegaanka Ceel-cadde islamarkaana ay ka qaatayn lacag ku dhaw 200 oo milyan oo Shalin Soomaali ah wali ay goobta ku sugan yihiin.

Ciidamadaasi ayaa waxaa hogaaminaya Sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Qoondhe waxaana saakay soo dul-dagay Ciidamo kale oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya kuwaas oo ku socda amar ka soo baxay General Koronta Taliyaha Qeybta iyo Maamulka HirShabeelle waxaana hogaaminaya Sarkaal kale oo magaciiisa lagu sheegay Saneey.

Dadka deegaanka, gaar ahaan Gaadiidley ayaa walaac xoog leh ka muujiyay amaankooda maadaama halkaasi ay tahay meel marin Gaadiidka ka baxa Muqdisho ee Gala Shabeelaha dhexe, kuwaas oo ku sii socda Gobalka ama Gobalada kale.

Labad dhinac ee Milatariga Soomaaliya ee isku hor fadhiya deegaanka Ceel-cadde ayaa la sheegay iney wataan Gaadiid dagaal iyo Ciidamo badan waxaana aad looga cabsanayaa in halkaasi ka dhaco dagaal dhaliya dhimasho iyo dhaawac.