Somali News

Ciidamo mushaar la’aan iyo raashin la’aan uga soo baxaya furamaha dagaalka

Muqdisho-KNN-Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya oo ku sugan furumaha dagaalka degaano iyo degmooyin katirsan Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ka cabanaya mushaar la’aan iyo garaaamkii ay dowladda ku lahaayeen oo laga goostay.

Qaar kamid ah Ciidamadaan oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in mudo 4 bil ah aysan qaadan wax mushaar ah, hadana laga goostay garaamkii ama raashinkii ay ku lahaayeen dowladda.

Askartaan ayaa sheegay in ay ka soo baxayaan furamaha dagaalka maadaama ay waayeen mushaarkii iyo Cuntadii ay cuni lahaayeen islamarkaana aysan raashin la’aan iyo lacag la’aan ku sii jiri Karin aagga hore ee dagaalka.  

Sidoo kale qaar kamid ah Ciidamadaan katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa KNN u sheegay in guryihii laga soo saaray carruurtii ay dhaleen kadib markii ay bixin waayeen kirada guriga, sidoo kale waxay sheegayn in biilkii laga goostay carruurtooda arimahaas oo dhan ay sababayaan in ay ka soo baxaan aagga hore hadii aysan dowladda bixin mushaaraadka Ciidamada Dowladda.

Ciidamadaan ku hanjabay in ay ka soo baxayaan furamaha dagaalka ayaa ku sugan laga bilaabo duleedka magaalada Muqdisho ilaa degaanada fog ee Shabeelaha Hoose, qaarkood waxay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ay ka bilaabeen dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya waxayna ku waayeen saaxiibo badan halka qaar kalane xubnahoodii muhiimka ahaa ay ku waayeen.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama jawaabin qayl dhaanta iyo cabashada ka soo baxaysa Ciidamada Soomaaliya. Dad badan ayaa ku taliyay in mushaaraadka Ciidamada oo aan ka badneen 100$ ay dowladda bixiso si amniga loo xaqiijiyo.