Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Isgoyska Fagax ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo Nabad sugid ah oo isgoyskaas ku sugnay lagu weeraray Bamcagmeed ayadoona inta laxaqiijyay ay ku dhaawacmeen 5 ruux oo isugu jiro shacab iyo Askar.
Ciidamada ayaa markii ay lagu tuuray Bam gacmeed ka dib furay rasaas aydoona sidoo kala halkaasi ka sameeyay howgal mudo kooban socday, dadka deegaanka ayaa waxa ay dareemeen xiligaas cabsi xoogan.
Waxaa hadda dagan isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir oo Bamgacmeed maanta lagula weerar ciidamo Nabad sugid ah oo halkaasi ku sugnay.