Muqdisho-KNN-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal saacado badan socday oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Saraakiil Ciidan ayaa noo xaqiijiyay in dagaalkii xalay uu dhexmaray Ciidamo ka tirsan AMISOM oo saldhig kulahaa Arbacow oo ka ritsan deegaanka Ceelasha Biyaha iyo Askar ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
Dagaalka ayaa bilaawday saqdii dhexe ee xalay kadib markii Ciidamada Milateriga Soomaliya ee uu tababaray Turkigu oo ay la socdeen Saraakiil Turkish ah ay kasoo bexeen xeradoodii Tababarka ee Turki-soom, waxaana la sheegay in ay aad u hubeysnaayeen sidoo kalana wateen gadiid dagaal oo xoogan.
Ciidamada ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay xiligaas u socdeen howlgal gaar ah, balse waxa ay si lama filaan ah uga duldhaceen Saldhig AMISOM ay kuleedahay Arbacow, halkaasna uu ka bilaawday dagaal aad u xoogan oo dhaliyey khasaare soo kala gaaray labada dhinac.
Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la sheegay in dagaalkaas ay uga dhinteen Afar Askari, sidoo kalana ay kaga dhaawacmeen Lix Askari oo kale.
Dhanka kale Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee uu tababaray Turkigu ayaa la sheegay in dagaalkii xalay ay kaga dhinteen Seddax Askari, halka ay kaga dhaawacmeen Sedded Askari oo kale.
Saldhigga ay xalay ku dagaalameen Ciidamada ka kala tirsan AMISOM iyo dowldda Soomaaliya ayaa waxa uu ku yaalaa deegaan yar oo lagu magacaabo Arbacow oo hoos taga deegaanka Ceelasha Biyaha oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo Ciidamo ka kala tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo Ciidamada dowldda Federaalka ah ee Soomaaliya uu dhex maro isku dhac nuucaan ah oo ay is gaarsiiyaan khasaare intaas la’eg inta la xasuusto.
Arbacow iyo guud ahaa deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa caawa ka taagan xiisadii ka dhalatay dagaalkii xalay, iyadoo wararkii markii hore kasoo baxay dagaalkaas ay sheegayeen in dagalku uu dhexeyay Al-Shabaab iyo AMISOM, balse xaqiiqdu ay dib ka soo baxday.
Wali war rasmi ah kama soo bixin Saraakiisha Milateriga Soomaaliya iyo Taliska Midowga Afrika ee AMISOM.