Uncategorized

Ciidamo u dhashay dalka Uganda kuna geeriyooday dagaalki Buulo Mareer oo meydkooda la geeyay Magaalada Kampala.

Kampala-KNN– Diyaarad maanta Muqdisho ka qaaday meydadka ilaa sideed askari oo u dhashay dalka Uganda kuna dhintay dagaalki maalin kahor ka dhacay magaalada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la geeyay magaalada kampala ee Caasimada dalka Uganda iyadoo islamaanta halkaasi lagu aasay.

Meydadka askarta ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Entebbe kusii sugayay sarakil sare oo ka tirsan ciidamada Uganda kuwaa oo ka qeybgalay aaska askartaasi.

madaxweynaha dalka Uganda Yueri Museven ayaa sheegay in uu ka tacsiyeynayo askarta dhimatay waxaana uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka ay ka qeyb yihiin ee Amisom.

weerar ay Al-shabaab Axadi ka geysteen magaalada Buulo mareer iyo degmooyin kale oo Shabeelaha hoose kamid ah ayaa waxaa ku dhintay lix askari oo ka tirsan Ciidamka Uganda ee Amisom kamid ah halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.