Somali News

Ciidamo weerar ku qaaday taliska qeybta Booliska Nugaal.

Garoowe-KNN-Wararka laga helayo  Magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal  ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay weerar ku qaadeen taliska qeybta Booliska gobolka Nugaal.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay weerarka maanta  uu  ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland oo kamid ahaa ciidamadii iska difaacay ragii soo weeraray .

Dadka degaanka ayaa sheegay in Xiisad ay ka jirta gudaha Magaalada Garoowe ee gobalka Nugaal,iyadoona Goobta ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Madaxda Maamulka gobalka nugaal.

Cumar Farawayne  Gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo Taliyaha qaybta ayaa sheegay in weerarkan ay soo qaadeen in ka badan 30 sarkaal iyo ciidamo ay wateen oo ka Gadoodsanaa shaqo fariisn lagu sameyay kadib markii ay ka soo bixi waayeen Waajibaadkii loo igmaday.

Cumar farawayne Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in ragagan weerarka soo qaaday la soo taagi doono Maxkamada ciidamada qalabka sida ,waxaan uu Hay,adaha amniga uu ku amray in la soo qabto.

Xaalada magaalada garoowe ayaa aad u kacsan,waxaana jirta cabsi badan oo ay muujinayaan Shacabka ku nool Magaaladaasi