Muqdisho-KNN– Xarunta Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa caawa la wareegay ciidan gaar ah oo aan ahayn kuwi hore u ilaalin jiray xarunta.
Ciidanka ayaa ah kuwo ka tirtsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan ilaalada madaxtooyada waxaana meesha laga saaray ciidanki hore ugu sugnaa oo ahaa kuwo Boolis ah.
Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay in galabta la qaaday Ciidankii oo dhan lana keenay Ciidamo cusub, iyada oo uu sheegay inaan lagu soo wargelin.
sikastaba arintan ayaa imaaneysa xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Golaha shacabka kadib mooshinka gudoomiye Jawaari.