Uncategorized

Ciidan iyo Dad Shacab ah oo loo Xiray Weerarkii ka dhacay Degmada Baled-xaawo

Baled-xaawo–KNN– Wararka laga helayo Degmada Baled-xaawo Ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ay Tiro dad ah u Xir xireen Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Magaalada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dadka la Xir xiray ay gaarayaan illaa 20 Ruux,kuwaas oo isugu jira Ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo Dad Shacab ah.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay ku dhow yihiin illaa 7 Askari,halka 13-ka kale ay yihiin Dad Shacab ah oo ay ku jiraan Xubno Ganacsato ah.

Xariga Dadkaan ayaa la sheegay inuu la xariiro Fududeyn Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Degmada Baled-xaawo ee Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland iyo Il Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa KNN u sheegay in dadka u xiran Weerarkii Shabaabku ay ku qaadeen Magaalada Baled-xaawo ay weli baaris ku socoto islamarkaana Hay’addaha Ammaanka Jubbaland ay weli baaritaan ku wadaan.