Somali News

Ciidan iyo Sarkaal dhalinyar ah oo ku dhintay Qarax ka dhacay D/Walla-wayn ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Walla-Wayn-KNN-Ugu yaraan 3 Askari oo mid ka mid ah yahay Kabtan ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa ku dhintay Qarax miino oo ka dhacay duleedka degmada Walla-Wayn ee gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana ku dhaawacmay tiro kale.

Kabtan Maxamed Cabdi Saciid “Oomane” ayaa ka tirsan Ciidanka Qaraxa ku dhintay, waxaana sidoo kale ku Geeriyooday laba ka mid ah Ciidankiisa, deegaan 10 KM u jira degmada Walla-Wayn ayuu ka dhacay Qaraxaan Shalay Gelinkii dambe.

Ugu yaraan 7 kale ayaa ku dhaawacmay Qaraxa, waxaana laga deyrinayaa 3 ka mid ah kuwa qaba dhaawaca, Ciidanka dhaawacyada qaba ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Sidaan oo kale ayaa todobaadka Al-Shabaab Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ay ku qaadeyn Ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM meel 10 KM u jirta degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.