Uncategorized

Ciidan iyo shacab ku dhintay qarax ka dhacay Jowhar.

Jowhar-KNN-Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay 2 kalane dhaawac ayaa ka soo gaaray qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Wariyaha Idaacadda kulmiye ee magaalada Jowhar ayaa soo sheegaya in qarax miino oo lagu aasay bar kontarool oo ku taala wadada aadda garoonka magaalada Jowhar ay ku dhintayn 2 Askari iyo hal qof oo shacab ah, sidoo kale laba qof ayaa ku dhaawacmay oo shacab ah.

Qaraxa ayaa Ciidamada waxaa loo geliyay goob ay gaadiidka lacag uga qaadaan waxaana dadka dhaawacmay ku jira Caawiye darawal “kirishbooy” oo xiligii qaraxa dhacayay ciidamada ku wareejinayay lacag gaadiidka laga qaado.

La soco wixii ku soo kordha.