Uncategorized

Ciidan lagu dilay duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho koox hubeysan ayaa xalay dilay Laba ka mid ah Ciidamada Dowladda oo ku sugnaa Carbiska.

Wararka ayaa sheegaya in rag Bastoolado ku heysan ay dileen Labo ka mid Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa deegaanka Carbiska ee duleedka Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay Ka hor dilka in ay maqleen rasaas badan kadib maqaaxi dhaxdeeda lagu toogtay Laba ka mid ah Milatariga Soomaaliya.

Ragii dilka fuliyay ayaa goobta ka baxsaday sida ay sheegeen dadka deegaanka ee duleedka Muqdisho.