Somali News

Ciidanka Amaanka oo caawa Muqdisho ku qabtay koox hubeysan

Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Deyniile oo ku jira howgal habeenimo ayaa caawa gacanta ku soo dhigay seddax nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku howlanaa falal amni darro oo ay u maleegayeen dadka shacabka ah.

“Ciidanka ayaa raggaan soo qabtay iyaga iyo moota Bajaaj ay wateen, sidoo kale kooxdaan ayaa watay Qori RBG ah, waxayna haatan ku jiraan gacanta ciidanka amniga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.