Somali News

Ciidanka Amniga degmada Doolow oo soo bandhigay gaari qarax ah oo la qabatay

Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa soo bandhigay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo lagu qabtay degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo Maxamed Xasan Cabdi Lafeey oo ka warbixiyay gaarigaan gacanta lagu dhigay ayaa sheegay in gaarigaan la fashiliyay weerar uu ka geysan rabay degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay Booliska iyo Nabadsugida in la joogteeyo shaqada isla markaana muujiyaan howlkarnimo iyo feejinnaan dheeri ah.

Darawalkii gaariga waday ayaa ciidamaddu gacanta ku hayaan, iyaga oo ku wada baaris ku aadan qorshahiisa iyo halka uu u socday.