Somali News

Ciidanka Amniga Jubbaland oo sheegay in ay fashiliyeen miino lagu aasay degmada Dhoobley

Ciidanka amniga Jubbaland ayaa howlgallo lagu sugayay amniga ka sameeyay degmada Dhoobley ee Gobolada Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidanka Amniga Jubbaland ayaa sheegay in ay u suurta gashay in la fashiliyo qarax miino ay Al-shabaab ku aaseen mid kamid ah wadooyinka Dhoobley.

“Ciidanka amniga Jubbaland ee degmada Dhoobley ayaa fashiliyey miino ay kooxda Khawaarijtu qorshaynayeen in ay ku dhibaateeyaan bulshada degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Cidanka Jubbaland.