Somali News

Ciidanka Amniga oo gacanta ku dhigay nin ka tirsana Al-shabaab

Ciidamada Nabad Sugida maamulka Koofur Galbeed ayaa gacanta ku soo dhigay nin ka tirsan Al-shabaab oo doonayay in uu si qarsoodi ah uga safro deegaannada maamulkaasi.

Ninkaan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa magaciisa ku sheegay Cumar Maxamed Ismaaciil, iyada oo la qabtay xilli uu doonayay in uu ka safro Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Waxaa sheegay in uu qaldamay, isla markaasna uu cafis ka codsaday Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed, si nolol caadi ah uu u billaabo.