Somali News

Ciidanka booliska Puntland oo dhalinyaro ku dilay kuwo kalena ku dhaawacay Boosaaso

Boosaaso-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor-imaad xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Iska hor imaadkaas ayaa u dhexeeyey dhalinyaro ka soo kala jeeda xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey laba wiil ayey toogasho ku dileen ciidanka booliiska Puntland, kadib markii ay ku baxeen dhalinyaradaas oo uu dhexmarayey dagaal xaafadeed, isla markaana ay rasaas ku fureen si ay u kala celiyaan.

Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen, isla markaana ay hub gacmeed isku baacsadeen dhalinyaro ka soo kala jeeda xaafadaha Buush-Qodax iyo Sandaqadaha ee maagalada Boosaaso, taasi oo sababtay inay soo dhex galaan ciidanka ammaanka ee ka howlgala magaalada Boosaaso.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada ammaanka ayaa markii ay goobta tageen waxaa ku adkaatay inay kala dhex galaan dhalinyaradii dagaalameysay, waxayna adeegsadeen rasaas, taas oo kaliftay in laba wiil ay goobta ku geeriyoodaan ugu yaraan laba kalena ay ku dhaawacmaan.