Marka-KNN-Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa saakay dagaalamayaasha Al-Shabaab kala wareegay deegaanno hoostaga Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.
Ciidanka Danab ayaa hadda Howlgallo Baaritaanno ah waxa ay kawada Gudaha Deegaanka Ceel-saliin oo 20 KM dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelada Hoose.
Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in ciidamadu hadda ay deegaanka ka wadaan hawlo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyadoo dadka deegaanka ay soo dhaweeyeen in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanka oo muddo ay maamulayeen.