Somali News

Ciidanka Danab oo gudaha u galay Tooratoorow noloshana ku qabtay qaadigii maxkamadda Al-Shabaab

Afgooye-KNN-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay maanta Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta degaanka Tooratoorow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamadan qabsaday degaanka Tooratoorow ayaa sida la sheegay ka tirsan Militeriga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab oo ay tababartay dowladda Mareykanka.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey wadada xariirisa magaalooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo uu ka dhacay khasaare badani uu ka dhashay.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa saraakiisha hoggaamineysa ciidamada gudaha u galay deegaanka Tooratoorow ayaa baahisay in nolosha lagu tabtay qaadigii ugu weynaa maxakamadda Al-Shabaab ee deegaanka Tooratoorow.

Weli lama soo bandhigin magaca iyo sawirada sarkaalka lagu qabtay howlgalkas, balse saraakiisha ayaa sheegay in goor dhaw ay warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahino ku aadan qabsashada deegaankaas, waxayna hada ciidamadu baaritaano ka wadaan gudaha magaalada.