Gaalkacyo-KNN-Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa lagu soo waramayaan in maanta ay howgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka War-galo ee gobolka Mudug.
Howlgalkaas oo sababay in hal askari laga dhaawaco ciidanka Danab waxa uu si gaar ah uga dhacay guri ku yaalla deegaanka, waxuuna ahaa mid qorsheysan, oo lagu baacsanayey rag la’aaminsan yahay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.
Iska hor imaad kooban oo ciidankaas iyo nin hubeysan ku dhex maray deegaanka War-galo ayaa sababay dhaawaca hal askari oo ka tirsan ciidanka Danab, waxayna gacanta ku dhigeen ninkii hubeysnaa oo sida la sheegay bartilmaameedka howlgalkaasi uu ahaa isaga.
Deegaanka War-galo ayaa qiyaastii 70 KM koonfur uga beegan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxayna ciidamadii dib ugu laabteen dhanka magaalada Gaalkacyo, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.