Somali News

Ciidanka DFS oo saakay xiray wadooyinka Muqdisho.

Ciidanka dowladda ee kuwa mucaaradka kala wareegay taalada Daljirka Dahsoon ayaa saakay xiray xaafadaha iyo wadooyinka ku dhow taalada iyadoo loo diidayo in ay lug ku maraan dadweynaha.

Isgoyska Boondheere, agagaarka gurigii hore ee Maxamed Dheere ama Saldhigga Shangaashi, Guriga Hooyooyinka ilaa agagaarka Iskuulka 15-May ayaa xiran waxaana la ogolayn in lagu dhowaada taaladaDaljirka Dahsoon.

Sidoo kale Guud ahaan wadooyinka Muqdisho ayaa maanta xiran waxaana loo diiday gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay, waxaana sababta lagu sheegay in dowladdu ay ka hor-tageyso banaanbaxa Mucaaradka oo dhacay maanta oo Jimco ah.