Somali News

Ciidanka Dowaldda iyo kuwa maamulka Galmudug oo si buuxda ula wareegay Guriceel.

Muqdisho-KNN-Wararka Ka imaanaya Magaalada Guriceel ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu-Sunna ay ka baxeen magaalada ,iydoona hadda ay ku sugan yihiin dhamman xaafadaha hoos yimaada Guriceel Ciidamada Dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug .

Baxitaanka Ahlusunna Ayaa lasoo warinayaa Inay kadambeyso kadib wada hadal illa xalay socday oo ay gar wadeen ka ahaayeen ganacsatada deegaanka oo uu hogaaminayay Ganacsade Xaanshi Carabeey .

Sidoo kale Kooxda Ahlusunna ayaa ogolaatay inay Wareejiyaan Laba gaari oo dagaal,ayna horay ugu qabsadeen Dagaalkii Bohol.

Qaar kamid ah ganacsatada dhax dhaxaadka ka eheed dagaalka ayaa sheegayn in la sameyn doono guddi si loo sii wada in dhammaan tabashooyinkii dagaalka dhaliyay xal waarana laga gaaro .

Goor dhaw ayaana lafilayaa in Maamulka Magaalada Guriceel ay warbaahinta la hadlaan si ay uga war bixiyaan gacan ku haynta magaalada guriceel oo mudddo 4 cisho dagaallo xooggam uu ka socday .