Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo Ciidanka dadka deegaanka oo is kaashanaya iyo kooxda Al shabaab ayaa ka socda deegaanka Beer-xaanno ee Koonfurta Magaalada Beledweyne.
Dagaalka ayaa billoowday kaddib markii ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay weerar ku qaadeen goob la sheegay iney isku aruursanayeen Al shabaab taasi oo keentay in uu dagaalka qarxo.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa Warbaahinta u xaqiijyay in khasaare xooggan Khasaara Xoogan Ay gaarsiiyeen Al shabaab ayna ka saareen deegaano ay kamid yihiin Beerxaano, Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Beledweyne kuwaas oo ku teedsan wabiga Shabeelle.