Somali News

Ciidanka dowladda federaalka oo la wareegay degmada Gurceel

Muqdisho-KNN-Magaalada Gurceel gobolka Galgaduud waxaa saakay si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kadib markii ay xalay saq dhexe is kaga bexeen ciidamadii Ahlu-Sunna Waljamaaca ee maamulayay magaaladaas.

Saldhigga booliska xarunta degmada iyo goobaha kale ee ugu muhiimsan magaalada ayaa waxaa saakay lagu waabareysta iyadoo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda federaalka oo kolkii hore ku sugnaa fariisimo ay ku leeyihiin duleedka magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud.

Ciidamadii Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa saq dhexe ee xalay iskaga baxay Gurceel, walina lama oga halka ay qabteen, sidoo kale waxaa noo suura galin in aan ku helno xiriirro aan la maynay.

Waxii ka soo kordha kala soco KNN: