Somali News

Madaxii Maaliyada ee Al-Shabaab u qaabilsanaa afgooye iyo in ka badan 10 dagaalame oo la qabtay.

Afgooye-KNN-Saraakiisha Ciidanka Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 11 Dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab kadib Howlgal ay ka sameeyeen Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sarkaal ka tirsan ciidanka ilaaladda Madaxtooyadda oo Howlgalka sameeyay ayaa Radio kulmiye u sheegay in inta badan ragga Howlgalka lagu qabtay ay qirteen in ay Al-shabaab ka tirsanyihiin.

Mid ka mid ah Dadka Howlgalka lagu soo qabtay waa gabar, halka 10 kale waa rag.

Sargaalka la hadlay Radio Kulmiye oo diiday in aan magaciisa adeegsanno ayaa xaqiijiyay in ragga Howlgalka lagu qabtay uu ka mid yahay Madaxii maaliyadda ee Al-shabaab u qaabilsanaa Degmadda Afgooye.

Ciidanka ilaaladda madaxtooyadda oo kaashanaya Ciidan kale oo wata eeyo tababaran ayaa shalay u tagay Afgooye in ay Amaanka Xaqiijiyaan.

Madaxweeynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu tago Afgooye.