Muqdisho-KNN-Guddi saraakiil ah oo ay iska dhex magacaabeen ciidamadii dhawaan gudaha u soo galay magaalada Muqdisho ee difaacyada ka sameystay xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis, Hodan iyo Hawl-Wadaag, ayaa shuruudo ku xiray inay dib ugu laabtaan xeryahoodii.
Guddigan oo ka kooban sedex Janaraal iyo afar Korneyl ayaa dalbaday in madaxweyne Farmaajo wareejiyo amniga guud ee dalka, maadaama uu mudo xileedkiisii dhamaaday.
Sidoo kale guddigan ayaa ku dooday in Farmaajo ciidanka ka dhex abuuray qalalaase, isla markaana ay khasab tahay inuu iska wareejiyo mas’uuliyadda ciidamada Qaranka.
Gaashaanle Diini Rooble Axmed oo ah afhayeenka guddiga ciidamada ka gadooday mudo kororsigii Farmaajo oo u waramay BBC ayaa sheegay inay sii joogi doonaan difaacyada ay ka sameysteen gudaha magaalada Muqdisho inta xal looga helayo waxyaabihii markii hore ay ka gadoodeen.


