Somali News

Ciidanka Kenya oo dhaqdhaaqyo ciidan ka wada xadka Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah keentay xadka magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera, iyaga oo diiday ay dadka socotada ah gudaha galaan dalkaasi.

Askarta ilaalada xadka ayaa dadka u sheegaya in la xiray xadka Soomaaliya iyo Kenya, ka dib shalay qarax khasaare kala duwan geystay uu ka dhacay xadka labada magaalo ee Beledxaawo iyo Mandheera.

Xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa hore looga joojiyay in ay ka gudbaan gawaarida, waxana shacabka labada dhinac ay kaliya ku gudbi jireen lug ama gaari dameer.

Labada shacab ee deggan dhinaca Soomaaliya iyo Kenya ayaa lahaa xiriir ganacsi, waxaana si maalinle ah ugu kala gudbi jiray Raashin iyo caano.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa sheegay in xiritaanka xadka timid ka dib markii ay kordheen weerarada ay Al-shabaab ka geysanayaan gudaha dalkaasi.

Sidoo kale, Ciidamada amniga Kenya waxaa ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga xuduudka.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Qarax lagu soo xiray gaari-dameer uu ka dhacay bar kontorool oo ku taalla xudduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Booliska Kenya, halka afar kalena dhaawacyo halis ah ay soo gaareen.