Uncategorized

Ciidanka Milatariga oo Saakay Baaritaano ka wada qeybo ka mida Gobolka Shabellaha Dhexe

Cali-fooldheere–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe gaar ahaan Tuulooyin Hoos yimaada Degaanka Cali-fooldheere ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Saakay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay ka wadaan Baaritaano lagu xaqiijinayo Ammaanka Tuulooyinkaasi oo Al-shabaab ay u galaan Ciidamada Dowladda.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo la hadlay KNN ayaaa sheegay in Goobaha Howlgallada laga fulinayo ay tahay Tuulooyin dhowr ah oo u dhexeeya Degmada Mahaddaay iyo Cali-Fooldheere oo ay Al-shabaab ku dhuuntaan islamarkaana ay ku dhibaateeyaan Ciidamada Dowladda iyo Dadka Shacabka ah sida ay hadalka u dhigeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka.

Al-shabaab ayaa inta u dhaxeysa Degmada Mahaddaay Ee Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Degaanka Cali-fooldheere waxaa ay dhowr jeer ku Weerareen Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya,iyadoo Howlgalka ay hadda wadaan Ciidamada Xoogga Dalka looga golleeyahay in ay Al-shabaab lagula Dagaalamo Aaggaas si ay u yaraato Weerarada ay geystaan Shabaabku.