Somali News

Ciidanka QM ee ka soo jeeda G/Tigray ee Itoobiya oo diiday inay dib u laabtaan

Qaramada midoobay ayaa sheegtay ciidamada Itoobiya ee Nabad ilaalinta South Suudaan u jooga, askarta qowmiyadda Tigreega ka soo jeedda ee ka tirsan ay diideen iney dalkooda dib ugu laabtaan iyaga oo sheegay naftooda iney u baqayaan.

Garoonka ay ciidamada ka duuli lahaayeen ayaa la sheegay in laga maqlay rasaas lagu doonayey in ciidankaasi lagu qasbo in xoog diyaarad lagu saaro.

Afhayen qaramada midoobay u hadlay wuxuu sheegay 15 askari oo qowmiyadda Tigreega ka tirsan oo ciidanka nabad ilaalinta ka tirsanaa iney magangalyo siyaasadeed weydiisteen dowladda South Suudaan.

Tani iyo bishii November Ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya waxay dagaal kula jiraan xoogagga deegaanka Tigraay ee daacadda u ah TPLF.

Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan in qowmiyadda Tigreega lagu dhibaateeyo laguna xiro meela badan oo dalka Itoobiya ka mid ah tani iyo marka uu dagaalkaasi billawday.