Somali News

Ciidanka Somaliland oo la sheegay iney isaga baxeyn aagagii lagu dagaalamay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in  Ciidanka maamulka Somaliland ay isaga guureen xalay inta badan aagagii dagaalku ka socday 21 kii maalmood ee lasoo dhaafay ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Aagaga ay isaga baxeen ciidamada Somaliland waxaa kamid ah, guriga gobalka halkaasi oo ay saaka ku waabariisteen dadka deegaanku.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in talaabadaan ay noqon karto labo  arimood:

1.Dib u gurasho xeelad dagaal iyo in ay isku dayayaan in ay duulaan kale oo abaabulan soo qaadaan.

2.In ay gebi ahaanba qaateen baaqyadii caalamiga ahaa ee soo baxayey kuwaas oo ahaa in iney isaga baxaan gobolka.

Marka intaas laga yimaado khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ayaa sii kordhay isbitaalada ayey buux dhaafiyeen dadka waxyeeladu ku gaartay dagaalka.