Muqdisho-KNN-Booliiska Sri Lanka ayaa sheegay inay rasaas iswaydaarsadeen koox hubaysan oo ku sugan bariga dalkaas xilli ciidammadu ay baarayeen dadkii ku lugta lahaa qaraxyadii Axaddii.
Afhayeen u hadlay milateriga ayaa sheegay in qarax uu sidoo kale dhacay xilli boolisku uu howlgal ka fulinayay magaalada Ampara Sainthamaruthu, ee u dhaw Batticaloa.
Howlgal kale oo laga fuliyay meel aanan halkaa ka fogeyn, ayuu boolisku sheegay in la soo qabtay walxa qarxa iyo tuute ay leeyihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.
Goor sii horraysay ra’iisul wasaaraha Sri Lanka ayaa waxa uu sheegay in aanan la soo sheegin wax digniinna ah oo ku saabsan weerrar.
Ranil Wickremesinghe ayaa waxa uu BBC u sheegay “inuusan wax war ahba hayn” oo digniinaha sirdoonka ah ee muhiimka ah ma ay jirto cid inoo soo gudbisay.
Qaraxyo xiriir ahaa oo la soo abaabulay oo Axaddii lagu qaaday Seddax Hoteel oo nooca loo tamashlaha taga ah iyo Seddax kaniisadood ayaa waxa ay galaafteen nolosha ugu yaraan 250 qof.