Kismaayo-KNN-Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamad xoogga dalka ay dhaq dhaqaaqyo militari ka wadaan Duleedka Magaalad Kismaayo.
Ciidamada ayaa dhaq-dhaqaaqyada waxaa ay ka wadaan deegaanka Cabdala Biroole, Buulla gaduud iyo Tuulooyin kale oo hoostaga Magaalada Kismaayo.
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidan xoogga ay heleen xog ku aadan in xubno shabaab ay ku sugan yihiin deegaanadaasi.
Shalay ayaa ciidamada Xoogga dalka Waxaa ay howlgal miino baaris ah ay ka sameeyeen deegaanka Cabdala Biroole ee Gobalka Jubbada Hoose, iyagoona halkaasi ka soo saaray miinooyin badan oo halkaasi ay ku aaseen dagaalamayaasha Al-Shabab.
Dhawaan ayay aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland uu tagay saldhig ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa Xoogga ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Kismaayo, isagoona ciidanka ku amray in ay u diyar garoobaan howlgal ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.