Uncategorized

Ciidanka xooga oo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab ka bilaabay degmada Qoryooley

Afgooye-KNN-Saraakiisha ciidamada xooga ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada xooga ay bilaabeyn howgal ka dhan ah Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ciidamada xooga waxay ka bilaabeyn deegaanada Doon-buraale, Aarmoy, Gorgaal iyo kuwoo kale oo kawada tirsan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Ciidamada Militariga ee degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose Cali Maxamed Adan oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in howgalka uu socdo isla markaana qorshu uu ahaa in mar hore ay bilaabaan laakiin roobab da`ay awgeed ay u bilaabi waayeen howlgalkaasi.

Deegaanada ciidamada xooga ay sheegeen in howgal ay ka bilaabeyn ayaa waxaa horay ugu sugnay Al-shabaab.