Uncategorized

Ciidanka xooga oo Koonfur Galbeed kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Baydhabo-KNN-Taliska Guutada 60-aad ee Ciidanka Xooga dalka ayaa ku dhawaaqay dagaal ay la galayaan Al-shabaab oo ay kaga saarayaan deeganada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Janaraal Ibraahim Yarow oo ah taliyaha Guutada 60 aad ee ciidanka xooga ee ku sugan Koofur Galbeed ayaa Idaacada Kulmiye u xaqiijiyay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo dhawaan uu sheegay in ay qaadayaan.

“Ciidanka xoogan waxaa u soo dhamaaday qorsheyaashii ay ku dagaal gali lahaayeen” ayuu yiri Taliyaha.

Maalmihii dambe ayaa waxaa jiray dhaq dhaqaaq ciidan oo ciidamada xooga dalka ay ka wadeen qaar ka mid ah gobolada dalka.