Somali News

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka oo dhaqdhaaqyo ka wada deegaanada hoos yimaada Magaalada Camaara

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa ka dhaqdhaaqyo ciidan ka wada deegaannada hoos yimaada magaalada Camaara ee gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay la wareegaan deegaano hoos yimaada Magaalada Camaara oo ay ku sugan yihiin dagaalameyaasha Al-shabaab.

Sidoo kale, goobaha Ciidanka ay howllgada ka wadaan waxaa kamid ah deegaano u dhow Qaycad oo ay si qarsoodi ah u soo galaan Al-shabaab.

Ma jiro wax iska hor imaad ah ooo dhexmaray ciidamada, waxaana sida la ogyahay Al-shabaab ay isaga baxaan deegaannada ay ku sugan yihiin ka hor inta aysan soo galin Ciidamada.